Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Goobtii ay ku burburtay dayuuradii Itoobiya oo loo bixiyey magac yaab leh

Shacabka ku nool agagaarka goobtii ay ku burburtay diyaaraddii Itoobiya ayaa baroordiiq u sameeyay 157 ruux ee halkaas ku dhintay, iyagoo ahaa dadkii u horreeyay ee gaaray goobta ay diyaaraddu ku dhacday 10kii bishii Maarso, waxayna arkeen diyaaraddii oo afka ciidda dartay.

Goobta uu shilku ka dhacay ayaa afka Oromada lagu dhahaa “Tulluu Farraa” oo macnaheedu yahay “Ayaan Daran”.

“Degaankan waxaan Tulluu Farraa ama Ayaan daran ugu bixinay cimilo xumida” ayuu yiri Baatirrii Lemma oo ka mid ah odayo dhaqameedka deegaankaas.

Waa meel aad u qabaw oo aan lagu noolaan karin sidaas daraadeed dadku waxay ugu yeeraan Tulluu Farraa oo macnaheedu yahay “Ayaan Daran” ayuu yiri Lemma.

Baatirrii ayaa sheegay in jooga aadka u sarreeya ee goobtaas uu adkaynayo in la ogaado dhanka ay dabayshu ka imaanayso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Mr. Atul Khare iyo wafdi uu horkacayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha shacabka oo ansixiyey sharciga NISA & Mahad Salaad oo ka fal celiyey

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Dagaal xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Cida uu u dhaxeeyay oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---