Ra’isul Wasaaraha dalka Slovakia Robert Fico ayaa Xafiiskiisa Warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay xili dhinaciisa uu yaalay miis la dul saaray lacag aad u badan uu ugu tala galay in abaal marin ahaan u bixiyo.
Lacagtan oo gaareysa hal milyan oo Euro ayuu ugu tala galay Ra’isul Wasaare Fico in uu abaal marin ahaan u siiyo qofkii keenaa xog lagu ogaan karo dadkii ka dambeeyay dil loo geestay Wariye dalkaasi caan ka ahaa.
Wariyaha la dilay oo lagu magacaabayay Jan Kuciak oo 27 jir ayaa baaritaan qoto dheer ku hayay xiriir ka dhaxeeya maafiyada dalka Talyaaniga iyo siyaasiyiin sar sare oo katirsan dowlada Slovakia.
Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in uu hada socdo baaritaan lagu sameenayo cidii masuulka ka aheyd dilka Wariye Jan Kuciak iyo gabadha lamaanihiisa ah Martina Kusnirova, oo lagu dilay gurigooda oo ku yaala meel 65km u jirta caasimadda Slovakia.
Warbaahinta Slovakia iyo kuwa caalamka qaarkood ayaa qoraya dadka dilkaasi lagu tuhmayo kuna socdo baaritaanka in uu ku jiro nin lagu magacaabo Maria Toroskova oo ka mid ah la taliyeyaasha Ra’isul Wasaare Fico.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com