Wasiirka Tamarta iyo Biyaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Maxamed ayaa sheegay in Galmudug aysan u baahneyn faragelin, isla markaana ay u madax banaan tahay dastuurkeeda iyo xilliga ay dhaceysa doorashada.
Isagoo ka jawaabayay hadalkii wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee ahaa in degaanada Galmudug aysan ka dhaceyn wax doorasho ah, waxaana uu sheegay in Madaxweyne Xaaf uu xilka haayo hal sano kaliya, isla markaana waqti xileedkiisa uu ku egyahay sanadka 2021 oo ay doorashadu dhaceyso.
Madaxda dowladda federaalka waxay doonayaan inay burburiyaan Galmudug, hase yeeshee marnaba lama aqbaleyo” ayuu yiri Wasiirka.
Maamulka Galmudug ayaa tan iyo markii la dhisay waxaa uusan laheyn sal fadhiya, iyadoo ay soo mareen laba Madaxweyne sida Cabdikariin Xuseen Guuleed uu xilka iska casilay halka Madaxweyne Xaaf uu wajahayo khilaafaad wejiyo kala duwan leh.
Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir ayaa dhawaan waxay sheegeen in Galmudug aysan ka dhaceyn wax doorasho ah, isla mrakaana Madaxda Galmudug uu waqtigooda ku egyahay sanadka 2021 halka Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Bisha July ee sanadkan doorasho la qabanayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com