Ciidamada Kenya ayaa 20-kii bishan isaga baxay gabi ahaanba degaanka Buusaar oo ah meeshii ugu dambeysay ee ay kaga sugnaayeen gobolka Gedo halkaasoo ay ka dib ay wareegeen xoogaga Al-Shabaab oo barahooda internetka ku faafiyey sawiro laga soo qaaday xeradaas.
Sawirrada ayaa muujinaya ciidamada Kenya oo difaacyo waaweyn ka dhistay saldhig ka baxsan degaanka waxayna difaacyada qaarkood ku yaallaan dhulka hoostiisa, sidoo kale waxaa sawirrada ka muuqanaya gaadiid gaashaaman iyo kuwa kale oo horey looga gubay iyo qaar ciladoobay.
Hoos ka daawo Sawirada
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com