Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Nin Darawal ka ahaa Bajaaj oo caawa Muqdisho lagu dilay & faahfaahino ka soo baxaya

Nin la sheegay inuu ka mid ahaa darawaliinta ku xamaasha Mootooyinka bajaajka ayaa caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Dilkan oo ka dhacay wadada Taleex ee degmada Hodan ayaa yimid ka dib markii askariga oo ka mid ahaa ciidamada amaanka iyo darawalkan uu soo dhex galay muran aan la ogeyn waxaa uu salka ku hayey taasoo keentay in darawalka lagu furo rasaas.

Askariga dilka geystay ayaa baxsaday, waxaana isla goobtii ku naf baxay ninka darawalka ahaa oo la toogtay, iyadoo la arkayey mootadii uu watay oo dhiig badan uu dhex yaallo.

Waa darawalkii labaad ee ka mid ah kuwa bajaajta oo muddo 48 saacadood gudahood ah ciidamada dowladu ku dilaan Magaalada Muqdisho, waxaana ka sii horeeyey kuwo iyaga la mid ah oo horey siyaabo kala duwan magaalada loogu dilay.

Ciidamada amaanka ayaa baadi goobaya askariga caawa dilka ka geystay degmada Hodan, waxaana lala yaaban yahay sababaha soo celceliya dilalka ciidamada dowladu u geystaan darawalada Mooto bajaajka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacab ku dabaaldegay Taalada dajirka Dahsoon & duqa Muqdisho oo ka qeyb galay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada oo ka hadashay Ujeedka Ciidamada cusub ee la geeyay Xarunta Baarlamaanka

Cabdi Cade

Itoobiya oo shaacisay iney soo riday dayuurad hub ka dejineysay Magaalada Makelle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---