Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Wasiirada Somalia oo safiir u magacaabay Siyaasi caan ah (Daawo Sawirro)

Kulan ay golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay Muqdisho ku yeesheen maanta ayaa lagu ansixyay Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Dhab-u-heshiinta Qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiista Soomaaliya isla markaana lagu soo go’aamiyey tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Golaha ayaa cod wadar ogol ah ku ansixiyay Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Dhab-u-heshiinta Qaranka oo muhiim u ah dalka maadaama laga soo kabanayo dagaallo, lana doonayo in dalka laga hirgeliyo nidaam dimuqaraadiya oo sax ah lana jaan-qaadi kara dunida, dadka Soomaaliyeedna ay aaminsan yihiin.

Shirka maanta oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale lagu meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay sharciga canshuuraha iyo dib-u-eegsi lagu sameeyay sharciga dawladda Hoose.

Golaha Wasiirrada oo kulankooda maanta ku oggolaaday soo jeedin ay golaha soo hor-dhigtay Wasaaradda arrimaha dibadda xukuummadda federaalka Soomaaliya, ayaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Cumar Cabdullaahi (Cameey) u dallacsiiyay darajada safiirnimo, inkastoo aan la sheegin safaarada loo magacabay

Shirka golaha wasiirrada ayaa magacii hore looga bedelay hay’addii Saadaasha Hawada iyo Duulista Rayidka oo loo bedelay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Golaha Wasiiradda oo maanta yeeshay kulan arrimo dhowr ah looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Macruuf Xaaji, Agaasimaha xariirka bulshada ee xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Abaaraha oo ka warbixiyay kormeer uu Ergeygu ku tagay Buulo Burte.

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Dhismaha Xabsiga Guud ee Muqdisho oo La Dhamaystiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---