Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadihii aqoonsiga ka gudoomay danjire Javier Viedma (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Isbeyn u qaabilsan Soomaaliya Mudane Javier Garcia De Viedma.

Madaxwaynaha iyo Safiirka oo ay weheliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo Arrimaha ay ka rajaynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in dowladda Isbaanishku ay kala shaqayso.

Madaxwayne Farmaajo ayaa tilmaamay in mudnaanta ay siineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka caalamiga ah, kaas oo dhabaha u xaaraya sidii Soomaaliya ay u kasban lahayd saaxiibo caalami ah oo kala shaqeeya xaqiijinta hiigsiyada la xiriira dabar-goynta argagixisada, iskaashiga dhaqaalaha iyo dhisidda ciidan Qaran oo hanan kara amniga guud ee dalka.

Danjire Javier Garcia De Viedma ayaa Madaxwaynaha u soo gudbiyey farriin uu uga siday Boqorka dalka Isbeyn Mudane Felipe Juan Pablo oo dhigeysa in ay garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo weerar xoogan ku qaaday Saldhigyo ciidan oo kuyaala Bariire

Cabdi Cade

Janaraal Xuud oo ku hanjabay in ay qarxinayaan Diyaaradii kasoo degta Garoonka Baladweyne

Cabdi Cade

Trump Sodogii iyo sodohdiis oo la siiyey dhalashada wadanka Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---