Taliyaha ciidanka Booliska gobolka Banaadir Saadaq Joon ayaa muddo kooban lagu xanibay saldhiga Hiilweyne oo ku yaalla meel ku dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe.
Saadaq Joon ayaa ka mid ahaa Wasiiro iyo Saraakiil Madaxweyne farmaajo u xilsaaray iney soo xaliyaan ciidamo gadood sameeyey oo ka soo baxay degaano ka tirsan Sh/dhexe iyagoo ka cabanaya mushahar la’aan, kuwaasoo saldhigtay saldhiga Hiil-weyne .
Ciidamada gadoodsan ayaa markii wafdiga dowladu gaaray Hiilweyne waxay si gooni ah qoryo ugu qabteen Saadaq Joon iyagoo u heysta qoryo laga qaatay xiligii ciidamada xasilintu howlgalada ka wadeen caasimada, waxayna ka dalbadeen inuu qoryahooda u soo celiyo hadii kale uu maxbuus ahaan doono.
Hase ahaatee Wasiirka amniga Xukuumada Somalia iyo Abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka ayaa soo fara geliyey arintan, waxaana wadahadal ka dib lagu guuleystay in taliyaha laga furfuro ciidamadii qabsaday oo sida muuqata aan laheyn anshaxii lagu yaqaanay ciidamada.
Saadaq Joon ayaa taliye usoo noqday ciidankiii Xasilinta ee ka howlgalayay magaalada Muqdisho, waxaana ciidankaasi hub ka dhigis ku sameeyeen maleeshiyaad hubeesan iyo ciidamo milatari ah oo si sharci daro ah kusoo galay Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.comÂ