Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa kahor timid mudo kororsi ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Gelle iyo Madaxa Xukuumada Sheekh Shaakir ,kuwaa oo sheegay in xilka heyn doonaan ilaa laga gaaro 2021-ka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay khilaafka hareeyay Madaxda maamulka Galmudug iyo sidoo kale xiliga ay dhaceyso doorashada Maamulka Galmudug.
Waxa uu sheegay Wasiirka in Galmudug dhismaheedii hore dhibaato badan laga soo maray,isla markaana horay u jirtay khilaaf ka dhaxeeyey Maamulkii Galmudug ee ku sugnaa Cadaado iyo kooxda Ahlusuna , hayeeshee xal laga gaaray markii dambe.
Wasiirka ayaa waxbo kama jiraan kasoo qaaday mudo kororsiga ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa Xukuumada, waxa uuna shaaciyay in doorashada Galmudug dhaceyso bisha July ee sanadkan.
“Mowqifka dowladda Feedraalkaa ayaa sheegi karaa, Annaga waxaan rabnaa in doorasho Galmudug ay ka dhacdo waqtiga loogu talagalay oo ah Bisha July ee sanadkan, mas’uuliyiinta Galmudug iyo kuwa Federaalka waxaa u yaala Galmudug arrinteeda in wada xaliyaan, meel wanaagsan keenaan, doorashadana waqtiga loogu talagalay ay qabtaan” ayuu yiri Wasiir Sabriye
Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in rajo fiican ka qabaan in Galmudug ka dhacdo doorasho daah furan oo xalaal ah, waxa uuna cadeeyay in doorashada kahor la qaban doono dib u heshiisiin .
Hadalka kasoo baxay Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa meesha ka saaraya damacii Xaaf iyo Sheekh Shaakir, waxaana la filayaa in markan la dhiso Galmudug ka roon mida hada jirta oo waqigeeda khilaaf ku dhameesatay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com