Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Hogaamiye dalkiisa xukumayey muddo 29 sano ah oo si lama filaan ah isku casilay

Madaxweynaha dalka Kazakhstan Nursultan Nazarbayev oo ahaa ninka keliya ee dalkaasi ka talinayay tan iyo intii uu ka baxay burburkii Midowgii Soviet horraantii 1990-meeyadii ayaa iscasilay.

Hadal uu jeediyay ayuu ku sheegay in go`aanku uusan fududeyn balse uu doonayo inuu caawiyo Hoggaamiyeyaasha jiilka cusub.

Mr Nazarbayev, oo 78 jir ah ayaan caqabado badan la kulmin tan iyo intii uu qabtay xukunka dalkaas saliidda qaniga ku ah, sanadkii 1989, Wuxuuna weli madax ka sii ahaanayaa xisbiga talada haya ee dalkaasi.

Mr Nazarbayev ayaa sheegay in guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka dalkaas, Kassym-Jomart Tokayev, uu sii heyn doono xilka madxatinnimada inta muddadiisa uga hartay ilaa bisha April, sanadka 2020, iyadoo dad badan filayeen inuu mar kale isku soo taago xilka madxatinnimada.

Iscasilaaddiisa ayaa imaaneysa toddobaadyo uun kaddib markii uu riday dowladda, isagoo sheegay inay ku guul-darreysatay horumarinta dhaqaalaha dalkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Donlad Trump oo dhambaal u usoo diray Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Galmudug oo ansixyey Maqaamka degmada Guriceel (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Filippo Grandi iyo Xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---