Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Dowladaha Yurub oo joojisay Tababaradii ay siin jirtay Militariga Soomaaliya .

Wasaarada Difaaca ee dalka Holland ayaa sheegtay inay joojineyso mashruucii tababarada khaaska ah oo ay siin jireen saraakiisha ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya

Mashruucan oo qeyb ka ahaa mashaariicda Midowga Yurub ku taageero militariga Soomaaliya oo loo yaqaan [EU Training Mission in Somalia (EUTM-S)] ayaa waxaa waday 15 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Holland oo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegtay Wasaarada Difaaca ee Holland joojinta mashruucan ayaa la xariirta dhinaca maalgelinta oo loo waayey inuu sii socdo. Saraakiisha Holland ayaa tababaro dhinaca hawlfalka iyo maamulka bari jiray saraakiisha qeybaha kala duwan ee ciidamada dowlada Federaalka.

Horey ayey dowlada Maraykanka u sheegtay inay hakisay dhaqaalihii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay.

Go’aanadan ayaa kusoo beegmaya xili ay dowlada Federaalka sheegtay inay dhisi doonto ciidamo Qaran isla markaana la sheegay in ay dalka ka bixi doonaan ciidamada AMISOM dhamaadka sanadkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Ibraahim Najax oo si kulul uga hadlay dagaalkii ka dhacay Dayniile

Cabdi Cade

 Madaxweyne Farmaajo oo dhawaan Magacaabaya Guddi ka shaqeeya dabagalka….

Cabdi Cade

Siyaasi caan ka ah Soomaaliya oo ka digay halista ay leedahay isticmaalka Tiktok

Cabdi Cade
Taboola Ads ---