Allbanaadir.com
NEWS

Miisaaniyada uu ku shaqeenayo Maamulka Hirshabelle oo la ansixiyay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada Hirshabelle kaasi oo Ka Dhacay Madaxtooyada Hirshabelle ee Magaalada Jowhar  waxaana lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadkaan 2018 uu ku shaqeyn doono maamulka, iyadoo ay noqoneyso markii ugu horeysay oo Dowlad Goboleedkani uu yeesho Miisaaniyad uu ku shaqeeyo.

 Shirkani ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Hirshabelle ay Golaha Wasiirada u soo gudbisay Miisaaniyada ay ku shaqeyn doonto sanadkani, iyadoo ay  ka koobantahay  dakhliga gudaha ka soo xerooda iyo deeqaha laga helo Dowladda Dhexe iyo hey’adaha  caalamiga ah, miisaaniyada ayaa gaareysa wadarta guud  $ 8,556,34.

Miisaaniyadani ayaa inteeda badan ku bixi doonta dhinacyada ammaanka, adeegyada bulshada, mashaariic horumarineed iyo bixinta musharaadka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidanka Dowladda Hirshabelle.

 “Miisaaniyadda Dowladda Hirshabelle  waxay ka kooban tahay dakhli iyo kharash si cad u daahfuran oo isla-xisaabtan ku salaysnaan doona, waxaana Wasaaradda Maaliyadda ay Sameysay bilow saldhig u ah horumar dhinaca maaraynta dhaqaalaha, Hirshabelle waxay ambaqaadeysaa inay sii horumariso hay’adaheeda kale duwan, gaar ahaan kuwa maaliyada oo muhiimad weyn inoo leh. Sidaasi waxaa yiri  Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare.

 Ugu damayntii Talaabadani  Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabelle ku meelmariyeen Miisaaniyada 2018 taasi oo ka dhigan markii u horeysay in Hirshabelle Miisaaniyad ay yeelatay, waxaana  sidoo kale ay ka markhaati kaceysaa dadaalka Dowladda Uu Hogaamiyo Madaxweyne Waare ee Xaqiijinta sal u dhigida hanaanka dowladnimo, waxaana gaba gabadii kulanka Golaha Wasiirada ay ansixiyeen Miisaaniyada ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taalibaan oo la wareegtay Amaanka Garoonka Diyaaradaha Kabul (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Sheekh Yuusuf al-Qaradawi oo la Shaaciyay in uu geeriyooday

Cabdi Cade

Kamala Harris oo xulatay Madaxweyne ku xigeen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---