Allbanaadir.com
NEWS

Dayuurada Turkish Airlines oo hakineysa duulimaadkii Muqdisho & sababta ka dambeysa

Shirkadda Dayuuradaha Turkish Airlines Qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay baaqan doonaan qaar ka mid ah duulimaadyada ay ku imaan jireen Muqdisho maalmaha hore ee bisha April.

Sababta baaqashada ayey shirkadu sheegtay iney la xiriirto ka guurista Garoonka Ataturk Airport, iyadoo loo guurayo garoonka cusub ee New Istanbul Airport.

Maalmaha uu baaqan doono duulimaadka ayaa kala ah:-

06 April 2019

07 April 2019

08 April 2019

09 April 2019

11 April 2019

13 April 2019

Shirkadda ayaa sheegtay in guuritaanka ka dib ay dib u bilaabi doonto duulimaadkii ay ku iman jirtay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Gaadiidka Ciidanka ATMIS oo qof shacab ah jiiray & Booliska DF oo War ka soo saaray

Caydiid Ali

Ciidanka xoogga oo dib ula wareegay deegaanno Al Shabaab qabsadeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada oo Kulan deg deg ah maanta ku yeelanaya Muqdisho iyo Taliyaasha …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---