Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Ninkii weerarka ka geystay dalka Holand oo la aqoonsaday

Dadka ku dhintay weerarkii hubeysanaa ee maanta lagu qaaday magaalada Utrecht ee dalka Holland ayaa sii kordhay waxayna tiradoodu gaartay 3 dhimasho ah iyo 9 dhaawac ah, iyadoo 3 ka mida dadka dhaawaca ah ay xaaladoodu liidato.

Ninka falkan geystay ayaa la aqoonsaday markii muuqaalkiisa laga helay kaamerada CCTV ee goobta falku ka dhacay, waxaana lagu magacaabaa Gökmen Tanis, waana 37 sano jira u dhashay dalka Turkiga oo dalka Holland ku noolaa.

Boolis si weyn u hubeysan oo ah ciidamada gaarka ah ee la-dagaalanka argagixisiada ayaa isku wareejiyey guri la sheegay inuu ninkaasi ku jiro, waxaana muuqaalkiisa baahiyay warbaahinta Holland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday ciidamo loo diyaarinayo howl-gallo (Daawo Sawirada)

admin

Lix Xildhibaan oo maanta lagu doortay magaalada Baydhabo (Magacyada +Sawirro)

Cabdi Cade

Abshir Bukhaari oo waynaya kursigii Aqalka Sare & Qoorqoor oo go’aan culus qaatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---