Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Magacyada iyo Sawirada Muslimiintii lagu laayay dalka New Zealand oo lasoo bandhigay

Waxaa maalmo kadib lasoo bandhigay magacyada iyo Sawirada 49-qof oo maalintii jimcaha cunsuri hubeesan ku laayay labo masjid oo kuyaala magaalada Chrischurch ee dalka New Zealand.

Dadka Muslimiinta ah ee lagu laayay labada masjid ayaa isugu jiray caruur, dhalinyaro, haween iyo dad da’ ah, waxaana ruuxii ugu da’da yaraa ee weerarkaasi lagu dilay uu ahaa Mucad Ibrahim oo sadex sano jir ahaa.

Muslimiinta lagu laayay weerarkii ka dhacay Masaajida magaalada Chrischurch ayaan wali la aasin, waxaana la filayaa in dadkaasi aas balaaran loo sameeyo marka ay dowlada ku wareejiso eheladooda.

Weerarkii lagu laayay muslimiinta masaajida ku cibaadeesaneysay ayaa dhaliyay cambaareyn xoogan, waxaana weerarkan si kulul uga hadlay una cambaareeyay qaar badan oo kamid ah hogaamiyaasha Wadamada Caalamka.

Halkan ka Akhriso Magacyada dadka la laayay sidoo kale arag sawiradooda

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ku baaqay in Wadahadal lala galo Al Shabaab

Cabdi Cade

Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu ku lug leeyahay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood

Cabdi Cade

Dowlada oo War kasoo saartay Sababta gabi ahaanba loo joojiyay Muxaadaradii Sheekh Umal

Cabdi Cade
Taboola Ads ---