Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo ka soo baxay furumaha hore ee dagaalka (Sababta)

Ciidanka Milatariga Somalia ayaa maanta soo faarujiyey difaacyada ay kaga jireen  degaanka Dhanaane ee Gobolka Sh/hoose.

Ciidamada ayaa ka tirsan qeybta 12-ka Abriil ee xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo degaanka Dhanaane oo ku yaalla waddada xeebta ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marko uu yahay mid istaraatiiji ah.

Sababta ay ciidamadan uga soo baxeen degaanka Dhanaane ayaa lagu sheegay mushahar la’aan heysatay muddo afar bilood ah sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka oo warbaahinta la hadlay.

Al-Shabaab ayaa laga cabsi iney dib ula wareegaan degaanka Dhanaane iyo meelaha ku dhow oo dhowr bilood looga saaray dagaal culus oo askar badan ay ku dhimatay kuwa kalena ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Qarax aad u xooggan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Midowga Yurub oo war kasoo saaray Dilkii loo geestay Xildhibaan Aamina Maxamed

Cabdi Cade

Qarax Muqdisho ka dhacay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---