Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa saakay go’aan ka gaartay Dacwadii u dhaxeysay Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo Siyaasiga Faarax Macalim.
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa saakay ku guuleestay dacwadii u dhaxeysay labada Siyaasi, waxa uuna Aadan difaacday doorashada kursiga Xildhibaanimo uu sanadkii hore kaga guuleestay Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya.
Siyaasiga Farax Macalim ayaa dacwad u gudbiyey Maxkamada sare Kenya,Wuxuuna Maxkamada ka codsaday inay amarto in guddiga doorashada soo bandhigo dhamaan qoraalada codbixinta shacabka iyo xogta ku jirta serverka codbixinta keydinayey.
Maxkamada Kenya ayaa saaka sheegtay inaysan jirin cadeyn muujineysa in lagu shubtay doorashada ka dhacday Gaarisa, waxayna Maxkamada sheegtay in Faarax Macalin keeni waayay cadeymo ku aadan dacwada uu soo gudbiyay.
Markii ay soo dhamaatay Maxkamada ayuu sheegay Aadan Barre in uu ku faraxsan yahay in uu xalaaleesto kursigiisa kana guuleesto dacwadii ka taagneed kursigiisa, waxa uuna u mahad celiyay dadka Gaarisa uu sheegay in ay doorteen qofkii ay rabeen.
Faarax Macalin oo isna dhankiisa hadlay ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn go’aanka Maxkamada kasoo saartay dacwadii uu gudbiyay, waxa uuna tilmaamay in go’aanka Maxkamada ka qaadan doono racfaan.
Aadan Barre Ducale ayaa kursiga Xildhibaanka Gaarisa uga guuleystay Farax Macalim oo kamid ah mucaaridka NASA oo kula tartamayey doorashadii dhacday 8dii bishii Agoosto ee sanadkii tagay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com