Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Khasaare lixaad leh oo ka dhashay dagaalo ka socda duleedka degmada Cadale

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo saaka ka bilowday, welina ka socda tuulooyin hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo  u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada dega.

Dagaalka oo ka bilowday degaanka Burdheere ayaa haatan uu ku sii fiday degaano hor leh oo hoostaga degmada Cadale iyadoo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan gobolka Sh/dhexe waxaa dagaalkan ku dhintay dad ka badan 30 qof halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo qaarkood loo soo qaaday goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Rasaas culus ayaa weli laga maqlayaa goobaha lagu dagaalamayo, iyadoo laga cabsi qabo in khasaaraha dagaalkan uu sii kordho, mana jirto illaa hadda waan-waan lagu joojinayo oo socota.

Dagaalkan oo salka ku haya muran la xiriira dhul daaqsimeed halkaas ku yaalla ayaa daba socda dagaalo horey u soo laalaabtay oo labada beelood ku dhexmaray isla degaanadan, iyadoo shirar dib u heshiisiin ah oo loo qabtay aysan waxba ka soo bixin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com    

Related posts

Dowladaha Somalia & Denmark oo wadahadal ku yeeshay Magaalada Washington

Caydiid Ali

Musharaxii Nabad iyo Nolol oo ka hadlay Sababtii uu u tagi waayay Kismaayo

Cabdi Cade

Sidee Midowga Musharaxiinta uga fal celiyeen go’aankii Raisul Wasaare Rooble?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---