Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo & Senator Jack Reed oo ku kulmay Garoonka Aadan cadde? (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa garoonka dayuuradaha Muqdisho kula kulmay Senator Jack Reed oo ka tirsan aqalka Senateka dowlada Maraykanka.

Senatorkan oo laga soo doorto degaanka Rhode Island ee dalka Mareykanka ayaa 20-kii bishan booqasho aan la shaacin ku yimid magaalada Muqdisho, iyadoo kulanka labada dhinac maanta lagu faafiyey Bogga Twitter-ka ee Safaarada Mareykanku ku leedahay  Soomaaliya.

Kulanka Madaxweynaha iyo Senator Jack Reed oo ay goob joog ka ahaayeen saraaakiil ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa looga hadlay arrimaha, amniga Siyaasadda, dhaqaalaha iyo qodobo kale.

Madaxtooyada Somalia ayaan illaa hadda ka hadlin kulankan, waxaana masuuliyiinta Maraykanka caado u ah iney madaxda dowlada kua kulmaan garoonka Aadan cadde, sababo la xiriira laamaha sirdoonka Maraykanka oo kula taliyey ineysan gelin gudaha Muqdisho sababo la xiriira amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iska horimaad Khasaaro geestay oo Garawe ka dhacay iyo Yuutuuber oo Sabab u noqday

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaaraha Somalia & wafdigii uu horkacayey oo dib ugu soo laabtay dalka

Caydiid Ali

Masuuliyiin iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal oo kusii jeeda magaalada Cadaado

Cabdi Cade