Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Xaaf iyo Shiikh Shaakir oo kororsaday muddo xileedka Maamulka Galmudug

Shir ay maanta magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen Golaha Wasiirada Galmudug oo uu ayey Golaha wasiirada isku raaceen in muddo xileedka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale iyo Madaxa Xukuumada laga soo bilaabayo markii ay heshiiska ku saxiixeen labada dhinac Dalka Jabuuti ee la isku daray maamulkii Ahlu-Sunna iyo Galmudug Decembar 2017.

Waxaa shirkan gudoomiyey Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo madaxa xukuumada Galmudug Shiikh Axmed Shaakir.

Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Beesha caalamka ugu baaqay inay tixgeliyaan rabitaanka Galmudug, sida uu yiri, iyadoo Axmed Ducaale Xaaf uu isna ku adkeysatay inuu xilka sii heyn doono ilaa 2021.

Xaaf oo muddo xileedkiisa ka bilowday markii uu is casilay madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa xilkiisa ku eg yahay aakhirka sanadkan, iyadoo ay arrintan qeyb ka tahay khilaafka ka taagan maamulka Galmudug.

Talaabadan ay qaadeen Xaaf iyo Shiikh Shaakir ayaa loo arkaa mid soo fogeyneysa in xal laga gaaro khilaafka ka taagan maamulka Galmudug oo hadda u qeybsan labo garab oo mid walba u leeyahay Madaxweyne u gooni ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Kismaayo ka daahfuray dhismaha Mashruuc cusub (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne la Afgtembiyay oo Xabsi laga sii daayay lana geeyay guriga Xaaskiisa

Cabdi Cade

11 Musharax oo isku soo taagay doorashada gudoonka Golaha shacabka (Akhriso Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---