Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Howlihii dekeda Berbera ee Somaliland oo joogsaday & sababta ka dambeysa

Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland ayaan maanta wax shaqo ah ka socon kadib markii ganacsatadii wax kala soo degi jiray ay joojiyeen.

Ganacsatada ayaa la sheegay inay ka cabanayaan lacago cusub oo ay ku kordhisay shirkadda DP World ee maamusha dekeddaasi taasoo ay sheegeen ineysan bixin karin.

Maamulka dekeda ayaan weli ka hadlin weli cabashada ganacsatada, lamana oga inta uu socon doono hakadka ku yimid shaqadii dejinta iyo dhoofinta ee ka socday dekeda,

Dhinaca kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in shirkadda DP World ay shaqaalaheeda kala baxayso dekedaha Berbera iyo Boosaaso arrima la xiriira dhinaca amniga sida laga soo xigtay mas’uul u hadlay shirkadda.

Magaalada Boosaaso ayaa 4tii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa waxaa lagu dilay madaxii shirkadda P&O Ports Paul Anthony Formosa, waxaana masuuliyada dilkaas sheegatay kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Khayelitsha iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

(Akhriso) Madaxtooyada Puntland oo War kulul ka soo saartay dilkii loo geystay Caa’isha

Caydiid Ali

Labo Wadan oo Qorsheenaya in Mustaqbalka dhaw Hal Madaxweyne yeeshaan 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---