Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee loo soo dhaweeyay Madaxweynaha Jabuuti

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray si heer sare ahna loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada aan Walaalanaha ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gelle iyo Wafdi uu hogaaminayay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada ayaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha Jabuuti.

Soo dhaweynta kadib ayaa Madaxweynaha dalka Jabuuti iyo xubnaha la socday loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya halkaas oo la filayo in uu kula kulmo Madaxweyaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa labo maalin booqasho ku joogi doona magaalada Muqdisho, waxaana inta uu joogo caasimada uu xariga ka jari doonaa dhismaha cusub vee safaarada Jabuuti ka dhisatay Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Isimada SSC-Khaatumo go’aan ka soo saaray khilaafka doorashada Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali

(Akhriso) Fahad Yaasiin oo dacwad ka dhan ah Guddiga FEIT u gudbiyey Maxkamada Sare

Caydiid Ali

Madaale oo wareejiyay raashin iyo buskut ciidamada loogu talagalay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---