Allbanaadir.com
NEWS

Fanaaniin Caan ah oo qeyb ka ah Safarka Madaxweyne Geelle oo Muqdisho soo gaara

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho soo gaaray Fanaaniin caan ah oo sanado badan dalka ka maqnaa, fanaaniintan ayaana maanta qeyb ka ahaa safarka Madaxweynaha dalka Jabuuti goordhaw ku imaanayo Muqdisho.

Fanaaniinta magaalada Muqdisho soo gaaray waxaa kamid ah Xasan Aadan Samatar,Axmed Cali Cigaal iyo Cawaale Aadan, fanaaniintan ayaana sanado badan dalka ka maqnaa kadib markii ay ka carareen dagaaladii sukeeye ee dalka ka qarxay.

Madaxweynaha Jabuuti ay safarkiisa ku wehliyaan, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil iyo Fanaaniin ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho joogaan mudo labo cisho ah, waxaana magaalada ka dhici doona munaasabado kala duwan oo soo dhaweyn ah.

Garoonka Aadan Cadde ayaa hada waxaa ku sugan madax kala duwan iyo dadweyne badan oo halkaasi u jooga sidii ay usoo dhaweyn lahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo wada qorshe ay kaga hortageyso hubka Al Shabaab lasoo degaan

Cabdi Cade

Faahfaahin: Kooxo hubeysan oo weeraray hoyga Taliyaha Booliska gobolka Nugaal

Caydiid Ali

Q/Midoobay oo ka digtay halis ka baxsan dagaalka oo ka taagan xaalada Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---