Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Jabuuti oo goordhaw si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowlada aan dariska nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gellee.

Wafdiga Madaxweynaha Jabuuti waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada.

Ciidanka baambeeda Soomaaliya ayaa garaacay astaanta labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya, waxa uu sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti salana sharaf ka qaatay ciidanka Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa la filayaa in soo dhaweynta kadib loo galbiyo dhismaha cusub ee Safaarada dowlada Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho, waxaana Madaxweyne Geelle goordhaw si rasmi ah xariga uga jari doonaa Safaarada cusub.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa inta uu Muqdisho jooga la kulmi doona Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, labada Madaxweyne ayaana la filayaa in ay kawada hadlaan xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal katirsanaa Booliiska Soomaaliya oo la dilay iyo taliska Booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

Madaxweynaha Ruushka oo Hanjabaad adag u diray labo dal oo katirsan Yurub

Cabdi Cade

Ciidanka Xoogga dalka soo bandhigay xubno ka soo goostay Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---