Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Guddiga difaaca Baarlamanka oo Su’aalo weydiiyey Wasiirada & Saraakiisha amniga

Guddiyadda Difaaca iyo Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirada Gaashandhiga iyo Amniga oo ay wehliyaan Saraakiisha Hay’adaha Amaanka ee Dalka.

Kulanka oo waqti badan qaatay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirada Gaashaandhigga iyo amniga, Taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda, Abaanduulaha ciidanka Xoogga, Saraakiil ka socotay Wasaaradda Amniga iyo xubno kale.

Kulanka oo waqti badan qaatay waxaa looga hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Muqdisho gaar ahaan weerarkii Jimcihii, xaaladaha amniga, sidii loo xoojin lahaa Howlgaladda iyo dib u habeynta Ciidamada Xoogga.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay maadaama Baarlamaanka uu Xukuumadda kala dhaxeeyo isla xisaabtan sidaas darteed ay ula kulmeen xubnahan oo ay kala hadleen arrimaha amniga.

Intii uu kulankaas socday ayaa xubnaha labada guddi waxay su’aalo weydiiyeen wasiirada iyo saraakiisha amniga ee kulankaas ka qeyb galay kuwaasoo la xiriiray sida uu u dhacay weerarkii ugu dambeeyey iyo waxyaabaha fududeeyey.

Weerarkii Al-Shabaab ka geysteen Jimcihii magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyootay 35 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 55 kale oo isugu jiray Askar iyo shacab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Mareykanka oo war kasoo saaray Duqeymo ka dhacay labo Deegaan

Cabdi Cade

Hogaamiyaal Caan ah oo qaatay baasaboor been abuur ah (Sawirro Cadeymo ah) 

Cabdi Cade

Jabhada Xoreynta Oromia oo kahor timid heshiiskii Ra’isul Wasaare Abiy iyo Muuse Biixi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---