Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Caan ah oo beri la filayo in uu soo gaaro Muqdisho iyo xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa

Waxaa beri la filayaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro Madaxweynaha Dowlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana Muqdisho ka socota qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Jabuuti.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa magaalada Muqdisho u imaanaya sidii uu xariga uga jari lahaa dhismaha cusub ee safaarada dalka Jabuuti ka dhisatay Muqdisho.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale la filayaa in kulan la qaato Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayna kawada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo arimo kale oo labada dal khuseeya.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti safarkiisa magaalada Muqdisho kadib uu usii duuli doono magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaas ay joogaan ciidamo ka socda dalka Jabuuti oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa marar badan booqashooyin kala duwan ku yimid magaalada Muqdisho, waxaana Jabuuti dowr weyn ku laheyd taageerida iyo dhismaha  dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir faahfaahin ka bixiyey Madaafiic ku dhacday Madaxtooyada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax xooggan oo lagu weeraray xarunta Gobolka Banaadir iyo rasaas la maqlayo

Cabdi Cade

Dowlada Somalia iyo Midowga Afrika oo bayaan wadajir ah soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---