Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Erdogan oo xariga ka jaray Isbitaalka 3aad ee ugu weyn dunida (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlada Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xarigga ka jaray isbitaalka  3aad ee ugu weyn dunida oo laga dhisay magaalada Ankara.

Isbitaalka Bilkent City  ayaa lagu dhisay qiyaastii 1 bilyan oo euro, iyadoo lagu qalabeeyay 3,810 sariirood, wuxuu leeyahay 131 qol oo lagu fuliyo qaliinadda, 904 qol oo bukaan jiif ah, wuxuu qaabili karaa 30,000 oo bukaan iyo 8,000 oo bukaannada xaalad deg deg ah.

Garoon dayuuradeed oo ay ka soo degi karaan kana duuli karaan dayuuradaha qumaatiga u kaca ayaa sidoo kale loo sameeyey isbitaalkan oo kamid ah kuwa ugu casrisan caalamka, iyadoo lagu tilmaamay inuu yahay kan saddexaad ee dunida ugu weyn.

“Sidii aan u sameynay warshadaha difaaca, waa inaan ka badbaadinno waddankeena ku tiirsanaanta shisheeye ee dhinaca Caafimaadka,” ayuu yiri Erdogan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: NISA oo qabatay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, xili uu ka dhoofayey garoonka..

Caydiid Ali

Duqa Magaalada Muqdisho oo guddoomiyay kulan arrin muhiim ah looga hadlayay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo goordhaw xilka si rasmi ah ula wareegaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---