Howlgal ballaaran oo lagu xaqiiinayo amaanka ayaa la sheegay inuu caawa ka bilaabanayo magaalada Muqdisho.
Arintan ayaa lagu go’aamiyey ka dib kulan maanta lagu qabtay xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis waxaana goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Amniga, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha AMISOM Booliska iyo NISA.
“Ka dib qaraxyadii habeenkii hore, tallaabadan waa mid aan ku xoojinayno amniga guud ee Caasimadda,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Soomaliya oo kulanka hadal ka jeediyay isagoo ku booriyey ciidamada amniga inay dardar geliyaan howl-galada cadawga logo hortagayo.
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo isaguna la hadlay ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa ku amray xoojinta iyo dardar gelinayo amniga Caasimadda oo uu xusay inuu waajib adag ka saran yahay.
“Marka hore inta aadan amniga sugin waa inaad adkeysaan wadashaqeyntiina, qalabkan iyo qoryahan dhaqaalaha canshurta ummadda Soomaaliyeed laga aruuriyay oo idinka la idinkugu dhiibay inaad amniga ku sugtaan, waxaan adinka iyo Taliyeyaashiina adinka codsaneynaa marka hore in laga feejignaando inaanay dhicin isku dhac Ciidamo kala duwan, qalabkan waxaad u heysataan inaad ummadda Soomaaliyeed kaga difaacdaan cadowga ijaafeeyay, Taliyeyaasha waxaan leeyahay waa inaad qaadaan talaabo walba oo suuragal ah.” Ayuu yiri Khayre.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com