Allbanaadir.com
NEWS

S/Guud Bashiir Max’ed Jaamac oo la wareegay xilkii dhowaan loo magacaabay (Daawo Sawirro)

Taliyaha cusub ee ciidanka asluubta Soomaaliya Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta si buuxda xilka ula wareegay ka dib munaasabad lagu qabtay Muqdisho.

Waxaa ka qeyb galay munaasabadan Wasiiro ka rirsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamanka qaarkood,  taliyaha Ciidamada Booliska iyo agaasimaha hay’adda  Nabada sugida.

Munaasabadan oo ka dhacday xarunta Xarunta Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa Taliyhii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliya S/Gaas Xuseen Xasan Cismaan waxaa uu si rasmi ah xilka ugu wareejiyay  taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Max’ed Jaamac, iyadoo uu goobjoog ka ahaa wasiirka cadaaladda Soomaaliya Xasan xuseen xaaji , waxaan uu halkaasi ka jeediyay hadalo dardaaran ah.

Taliyah Cusub ee ciidanka Asluubta Soomaaliya Sareeye Guud Bashiir  Maxamed  jaamac  ayaa sheegay in uu dardargalin doono howsha shaqo ee Taliska ciidanka Asluubta.

Wuxuuna ku amaanay taliyihii hore ee ciidanka Asluubta howsha hagar la’aanta iyo meesha wanaagsan uu keenay ciidanka Asluubta Soomaaliyed, isagoona balan qaaday inuu halkeeda uu ka sii wadi doono howsha.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo ka hadlay munaasabadaas ayaa bogaadiyay Waxqabdka taliyihii hore isagoo taliyaha cusub ugu baaqay inuu ku dadaalo sidii loo horumarin lahaa taliska ciidanka Asluubta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Deni oo maanta shaacinaya liiska Musharaxiin laga sugaayey

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo war ka soo saartay Sababta ay dileen Cabdiwali Colaad (Gaatamow)

Caydiid Ali

(Sawirro) Dibed-bax ka dhan ah Guddoomiyaha deg. Waaberi oo Muqdisho ka dhacay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---