Midowga Afrika ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii 23-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka dambeeyeen xoogag ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa howlgalka AMISOM danjire Francisco Madeira ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii weerarkaasi ku dhintay, wuxuuna caafimaad u rajeeyey dadkii dhaawacmay.
Mr. Madeira ayaa sheegay Al-shabaab weerarkaasi uga dan lahaayeen argagixinta shacabka Soomaaliyeed, balse shacabka aysan marnaba ku niyad jabi doonin dhacdooyinkan oo kale.
“AMISOM waxay cambaareyneysaa weerarka naxariis darada ah, waxaan dib u xaqiijineynaa go’aanka ah inaan si adag ula shaqeyno Ciidamada Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo xagjirka.” ayuu yiri Ambassador Francisco.
Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay la shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada, si nabada loo xaqiijiyo.
Weerarka Al-Shabaab ay geysteen oo watay laba qarax ayaa waxaa ku geeriyootay 35 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 55 kale oo isugu jiray Askar iyo shacab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com