Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Wafdigan ayaa garoonka dayuuradaha Koonfurta Gaalkacyo ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo.
Max’ed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in ujeedada safarkiisa Gaalkacyo ay tahay kulamo uu la yeelan doono hay’addaha samafalka kawaasoo looga hadlayo sidii Galmudug loo taageeri lahaa.
Waxaa kale oo uu sheegay inuu sidoo kale ay kulamo la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Gaalkacyo kuwaasoo looga hadlayo sugida amaanka iyo horumarinta magaalada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com