Waxaa maanta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofay Saraakiil katirsan Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ,kuwaa oo tababar loogu qaaday dalka Tanzaaniya.
Saraakiishan ayaa dalka Tanzaaniya kusoo qaadan doona tababar soconaya dhoor maalmoof, waxaana la bari doonaa hubinta dukumintiyada been abuurka iyo kala saarida dadka wata basaboorada isku e-kaanshaha ah .
Masuuliyiin katirsan Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kasii sagootiyay saraakiishan tababarka loogu qaaday dalka Tanzaaniya.
Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya uu Agaasimaha ka yahay Koofi ayaa horumar badan ku talaabsatay mudooyinkii ugu dambeeyay, waxaana Hay’ada dib usoo celisay sumcada baasaboorka Soomaaliga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com