Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kmaid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay falalka amaan daro ee kusoo kordhaya degmada Afgooye iyo dilalka bareerka ah ee loo geesanayo dadka shacabka ah.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in wax laga xumaado ay tahay in Degmada Afgooye dadka shacabka ah si bareer ah loogu dilo, waxa uuna tilmaamay in hada Afgooye noqotay kawaan dadka lagu dilo.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dowlada iyo maamulka Koonfur Galbeed ku guul dareesteen in ay wax ka qabtaan amaan darida kusoo kordheysa Afgooye iyo dilalka bareerka ah ee shacabka loogu geesanayo Degmadaasi.
Hadalka Xildhibaan Dalxa ayaa imaanaya xili shalay askari katirsan ciidanka dowlada si bareer ah degmadaasi ugu dilay nin Makaanik ahaa oo si weyn looga yaqaanay Degmada Afgooye.
Ciidamada Dowlada dowlada ee ku sugan degmada Afgooye una abaabulan qaab beeleed ayaa la sheegay in dhibaato ku hayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan Degmada Afgooye, mana jirto cid wax ka qabata dhibaatada shacabka lagu hayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com