Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Netanyahu iyo Erdogan oo mar kale hawada isu mariyey hadalo aflagaado ah

Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maanta madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ugu yeeray “Kaligii taliye” iyo “qiyaali” ayada oo mar kale labada hoggaamiyo ay aflgaado is-dhaafsadeen.

Turkey ayaa talaadadii ku cambaareysay Netanyahu Cunsurinimo cad kadib markii Israel uu ugu yeeray dal ay leeyihiin Dadka Yahuudda ah oo kaliya, oo aysan muwaadiniinta kale waxba ku lahayn.

“Sida ku cad xeerka muwaadinnimada dalka ee aan ansixinay Israel waa dal Yahuudeed oo kaliya” ayuu Netanyahu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta Instagram.

Afhayeenka Erdogan, Ibrahim Kalin ayaa hadalkaas ka jawaabay, wuxuuna qoraal uu soo dhigay Twitter ku yiri “Waxaan cambaareynayaa cunsurinimadan cad iyo midab sooca”

Netanyahu ayaa u jawaabay Kalin isaga oo yiri “Kaligii taliyaha Turkiga ee Erdogan, wuxuu weeraraa dimoqraadiyadda Israel, halka suxufiyiin iyo garsooreyaal ay ka buxaan maxaabiistiisa” ayuu yiri Netanyahu.

Labada hoogaamiye ayaa hore dhowr jeer sidan oo kale isku dhaafsaday hadallo kulul, ayada oo Erdogan uu yahay mid ka mid ah hoggaamiyayaasha fara ku tiriska ah ee dalalka Islaamka ee inta badan cambeereeya Israel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo gudoontay dhaqaale loogu talo galay la dagaalanka Coronavirus (Sawirro)

Caydiid Ali

Shir Xasaasi ah oo looga hadlay Daadajinta Amniga Caasimadda oo Muqdisho ka dhacay ( Sawirro)

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dagaal xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye

Caydiid Ali
Taboola Ads ---