Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Dagaal Khasaare geestay oo saakay ka dhacay Gaalkacyo iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa saakay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ay maamusho Puntland ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka Xasbiga weyn ee Waqooyiga Gaalkacyo , wararka aan heleyno ayaana sheegaya in dagaalka ka dhashay dhul ay isku qabsadeen dad ay kala taageerayaan labada maleeshiyo beeleed .

Inta la xaqiijiyay dagaalkan ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxaa ku dhintay l6 ruux halka ay ku dhaawacmeen 5-ruux oo kale, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hada la ogyahay uu kasii bato.

Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Puntland ayaa wada dadaalo lagu qaboojinayo dagaalka dhacay, waxaana wali is hor fadhiya sida aan wararka ku helnay labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo duqeyn ku leysay Dr. Hassan Hamdan & qoyskiisa

Caydiid Ali

Guddoomiyihii Guddiga doorashada Galmudug oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la doortay

Cabdi Cade

Xasan Shiikh & agaasimaha NISA oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---