Allbanaadir.com
NEWS

War deg deg ah: Atariishadii ku caan baxday aflaamta Hindiga ee Sridevi oo geeriyootay (Sawirro)

Atarashadii ku caan baxday aflaamta Bollywoodka ee Sridevi ayaa wax yar ka hor caawa saqdii dhexe si lama filaan ah ugu geeriyootay dalka Imaaraadka carabta ka dib markii uu  wadnuhu joogsaday.

Sridevi oo ahayd 54 jir ayaa ku  geeriyootay hotel ku yaalla Magaalada Dubai, waxayna iska dirtay oo shalay India ku laabtay  ninkeeda Boney Kapoor iyo gabadheeda Khushi ka dib markii ay ka qeyb galeen xaflad aroos oo lagu casuumay.

“Haa, waa run in Sridevi geeriyooday. Waxaa si lama filaan ah u joogsaday wadnaha ka dib xanuun ku soo booday, waxaan ku suganahay Dubai Ma aqaan faahfaahin intaa ka badan” ayuu yiri Sanjay oo ka tirsan Ehelada Sridevi oo wargeyska Indian Express u xaqiijiyey geerideeda.

Sridevi oo aheyd atariishadii ugu caansaneyd Bolywoodka sanadihii sagaashamaadkii ayaa ka soo shaqeysay shirkadaha Filimaanta Tamil, Telugu iyo Malayalam iyadoo ku guuleysatay abaal marino badan oo caalami ah.

Filimada ay wax ka jishay oo boqolaal gaaraya ayaa waxaa ugu caansan Chandni, Lamhe, Nagina iyo kuwo kale oo aad u fara badan, waxayna Gabadheeda Janhvi u diyaarineysay iney ku soo darto jilayaasha Bollywoodka sanadkan.

Dhamaan gobalada Hindiya oo warkan uu gaaray ayaa naxdin ka qaaday geerida boqaradii hore ee Bollywood Sridevi iyadoo arintan ay si weyn u gilgileyso baraha bulshada.

Jilaayaasha bollywood-ka ayaa ayaa waxay waxay bilaabeen iney tacsi u diraan qoyska ay geeriyootay halyeeyadaan, waxaana weli iska soo daba dhacaya warka ku saabsan geerida boqoradii Bolywoodka.

Ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi ayaa tacsi u diray qoyskiisa Sridevi  isagoo sheegay inuu ka murugooday.

Sridevi iyo seygeeda Boney Kapoor

Hoos ka daawo sawirada qaar ka mid ah filimadii ay wax ka jishay Sridevi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuuliyiin Mareykan ah oo Muqdisho kula kulmay Madaxda Maamul goboleedyada Qaar (Sawirro)

Cabdi Cade

Ruushka oo hurdo la’aan ku riday shacabka Ukraine (Sawirro)

Caydiid Ali

Istiraatiijiyadda Hannaanka sugitaanka Amniga Muqdisho oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---