Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Africa oo dalbaday in ciidamada AMISOM aan xiligan laga saarin Somalia

Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Somalia Francisco Madeira ayaa sheegay in aan la joogin waqtigii ciidamada Midowga Africa laga saari lahaa Somalia.

Madeira codsaday in AMISOM loo kordhiyo waqtiga ay ka sii hawl galayaan Somalia, lana gaarsiiyo sanadka 2021, si ay gacan uga gaystaan la dagaalanka iyo ciribtirka Al-Shabaab.

Madeira ayaa sidoo kale sheegay in ujeedada ay Somalia u yimaadeen ay tahay sugida iyo horumarinta amaanka, isagoo intaasi sii raaciyay inay rajo wayn ka qabaan inay Somalia soo hagaagto ka hor 2021ka.

“Horumaro fara badan ayey ciidamada AMISOM ka sameeyeen gudaha Somalia, caqabado fara badan oo soo wajahayna wey jireen 11-kii sano ee ay AMISOM ka hawl galaysay Somalia, waxaanuna ka walaacsanahay in horumarka illaa hadda la gaaray uu wiiqmo hadii ciidamada AMISOM si dhaqso ah looga saaro Somalia” ayuu yiri Madeira.

“Dhamaanteen waxaan isku raac sannahay, in aan wajahno qatarta Al-Shabaab, taas oo haddii aanan ka hortagin saamayn ku yeelan karto Afrika iyo caalamka intiisa kale ”ayuu sidoo kale yiri Mandera.

Ciidamada AMISOM ayaa isku diyaarinaya qorshe ay uga baxayaan Soomaaliya ka dib qaraar arintaas la xiriira oo sanadkii hore ka soo baxay golaha amaanka ee QM kaasoo sheegayey in ciidamada AMISOM si qeyb qeyb ah looga saaro Somalia, iyadoo masuuliyada amniga dalka lagu wareejinayo ciidanka dowlada.

Hase ahaatee Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Somalia Francisco Madeira ayaa shaki badan ka muujinayey in ciidamada dowlada ay hanan karaan amniga dalka marka AMISOM ay dalka ka baxdo, wuxuuna xusay iney u baahan yihiin tababaro dheeraad ah iyo qalab casri ah.

AMISOM oo dalka ay ka joogaan ciidamo ka badan 20 kun oo askari ayaa lagu dhaliilay in sanadahan dambe ay ka gaabiyeen howlgaladii dalka looga sifeynayey Al-shabaab, aysana wax muuqda ka bedelin xaalada amaanka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka dalka Iran oo soo saaray sharci adag oo ka dhan ah Haweenka

Caydiid Ali

Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Digniin adag oo loo diray shirkadaha bixiya adeegga Maraakiibta iyo Hay’addaha dekadda ka howlgala

Cabdi Cade
Taboola Ads ---