Allbanaadir.com
NEWS

Xubnaha Golaha amaanka ee QM oo isku raacay xabad joojin laga dhaqan gelinayo bariga Ghouta

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si buuxda isugu raacay qaraar lagu dalbanayo xabad joojin soconeysa muddo 30 cisho ah oo ka dhaqan gasha magaalada Ghouta ee dalka Siiriya, xilli dagaalada iyo duqeymaha ka socda magaaladaas ay sii xoogeysteen todobaadyadii la soo dhaafay.

Dhamaan 15-ka xubnood ee Golaha ammaanka ayaa u codeeyay qaraarkan, kaasoo ogolaanaya in la gaarsiiyo gargaarka bani’aadanimo iyo mid caafimaad goobaha colaada ka jirto gaar ahaan bariga Ghouta oo todobaad gudihiis lagu dilay shan boqol oo qof kuwaasoo 120 ka mid ah ay ahaayeen caruur.

Dowladda Suuirya oo ay taagerayso xukuumadda Ruushka ayaa doonaysa in duulaankan Ghouta uu noqdo kii ugu dambeeyey sidoo kalena ay gacanta ku dhigaan magaaladan Istaraatijiyadda ah oo weli gacanta ugu jirta xoogaga mucaaradka.

Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa dagaalakani ku tilmaamay inuu yahay kii ugu ba’naa ee dhaca tan iyo sanadkii 2013-kii

Cod-bixinta loo qaaday arintan ayaa muddo saacado ah la hakiyey Khamiistii ka dib markii Ruushku ku gacan sayray.

Ruuushka ayaa taageersan duqaymaha ay ciidamada dowoladda Suuriya ka wadaan bariga Ghouta oo ay mucaardka ay haystaan halksoo ay go’doomiyeen ciidamada Siiriya oo halkaas ka waday duqeymo aan kala sooc laheyn.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in xaalada ka jirta bariga Ghouta inay la mid tahay Naar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) RW Soomaaliya oo dhaqaale ugu deeqay dhismaha garoonka Caabudwaaq

Caydiid Ali

Al Shabaab oo ka hadashay Dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Guddi ka socday Qaramada Midoobay oo arrin muhiim ah kala hadlay Wasiirka Difaaca

Cabdi Cade