Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo wafdi heerkiisu sareeyo beri u direysa dalka Imaaraadka Carabta

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa maalinta beri ku sii jeeda wadanka isutaga Imaaraadka Carabta ka dib markii uu casuumaad ka helay Madaxda dalkaas.

Booqashada Kheyre ee Imaaraadka oo dhowr jeer u baaqatay arrimo farsamo ayaa waxaa Allbanaadir.com u xaqiijiyey masuuliyiin ka tirsan xafiiskiisa, wuxuuna hogaamin doonaa wafdi heerkiisu sareeyo oo ka tirsan goleyaasha dowlada.

Arintan ayaa ka dambeysay ka dib markii raisul Wasaaruhu la kulmay Wasiirka Arrimaha dibada ee dowlada Imaaraadka intii uu socday shirkii Davos ee dalka Switzerland lagu qabtay bishii hore.

Ra’isul Wasaare kheyre ayaa marka uu tago dalka Imaaraadka la kulmi doonaa Masuuliyiinta dalkaas, isagoo kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal oo mad-madow uu soo kala dhex galay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dowladda Soomaaliya dhexdhexaad ka noqtay Khilaafka dalalka Khaliijka.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay iney si weyn ugu lug yeelatay xaalada Siyaasadeed ee dalka, iyadoo malaayiin dollar ku bixisay sidii ay isaga horkeeni laheyd dowlada dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

Madaxweyne Farmaajo oo horey labo jeer u booqday dalka Imaaraadka ayaan ku guuleysan inuu joojiyo fara gelinta Imaaraadku ku hayeen siyaasada Somalia, lamana oga waxaa booqashada raisul  wasaare Khayre ay arimahaas ka bedeli doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Taliyaha XDS & Saraakiisha Maxkamada ciidanka qalabka sida oo gaaray Gaalkacyo

Caydiid Ali

Maxkamada ciidamada DF oo xukuno kala duwan ku riday koox askar ah

Caydiid Ali

Mid ka mid ah Weriyeyaashii ugu caansanaa laanta Soomaaliga ee BBC oo geeriyooday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---