Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Erdogan oo mar kale todobaadkan booqan doona dalal ka tirsan Afrika

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa lagu wadaa todobaadkaan iney booqasho shan maalmood qaadaneysa uga bilaabato afar dal oo ku yaalla Qaaradda Afrika.

Warkan ayaa waxaa si rasmi ah loogu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibeda Turkiga iyo Madaxtooyada dalkaas.

Dalalka uu Erdogan booqanayo ayaa kala ah Algeria, Mauritania, Senegal iyo Mali oo ku yaalla galbeedka iyo Woqooyiga Afrika isagoo la kulmi doona madaxda dalalkaasi.

Waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan ayaa waxaa lagu sheegay iney ka mid yihiin xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo ganacsi ee ka dhexeeya dalalkaas iyo dowlada Turkiga, waxaana sidoo kale dhinacyadaas ay kala saxiixan doonaan heshiisyo kala duwan.

Shir ku saabsan arrimaha ganacsiga Qaarada Afrika ayaa sidoo kale la filaya in Erdogan uu kaga qeybgalo dalka Algeria, halkaasoo ay ka bilaabanayso booqashadiisa maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Madaxweyne Erdogan ayaa horey dhowr mar booqasho ku maray dalal Afrikaan ah oo ay ku jirto Soomaaliya, iyadoo dowlada Turkigu ay sanadahan dambe xoogga saartay xoojinta xiriirka iskaashi iyo kan dhaqaale ee ay la leedahay Afrika, iyadoo Turkigu ay mashaariic waaweyn ka fuliyeen Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa maxay xanuunka loo yaqaan alzheimer’s maxaase sababa Daawo Muuqaal ka hadlaya !!

admin

Cali C/llaahi Cosoble oo shaaciyey hadal sii hurinaya khilaafka ka taagan Hirshabelle

Caydiid Ali

Xasan Gardhuub oo isku soo dhiibay ciiddanka Dowladda kana hadlay Sababta ku kaliftay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---