Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdixakiin (Dhagajuun) ayaa looga yeeray Maxkamada racfaanka gobolka Banaadir ka dib amar ka soo baxay Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka.
Dhegajuun ayaa amar lagu siiyey inuu hor yimaado maxkamada si su’aalo looga waydiiyo eedeymo loo haysto.
Sida ku xusan qoraalka Maxkamada Guddoomiyaha degmada Hodan ayaa loo heystaa in uu ku xadgudbay Sharafta Garsoorka dalka uuna isticmaalay awood sharciga ka baxsan.
Faragelin toos ah oo uu ku sameeyay kiisas yaallay Maxkamada Degmada Hodan ayaa ka mid ah waxyaabaha loo heysto gudoomiye Dhegajuun.
Hoos ka akhriso qoraalka Maxkamada
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com