Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay shir caalami ah oo ka furmay Kambala (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay furitaanka Shir Madaxeedka Africa Now oo maanta ka bilawday magaalada Kampala

Shirkan oo labo maalmood soconaya ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha nabadgelyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika.

Waxaa ka qeyb galaya Ergooyin badan, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee dalka Uganda Yuweri Museveni, balse waxaa la sheegay in shirkasi ay ka maqan yihiin Madaxweynayaasha dalalka Masar iyo Koonfur Afrika oo lagu casuumay ay inkastoo ay wakiilo u soo dirsadeen.

Shirka inta uu socdo ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo ka hadli doono arrimo la xiriira Ganacsiga Soomaaliya iyo sida Ganacsiga wadamada kale ee Afrika la isugu xiraa lahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale inta uu dalkaasi ku sugan yahay waxaa uu la kulmi doonaa qaar ka mid ah Madaxda ka qeyb galeysa shirkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha Booliiska Galmudug oo si adag uga hadlay Warkii uu shaaciyay taliye Burhaan

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo ka mahadcelisay xogo badan ay ka heleen Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Kooxo hubeysan oo caawa dil ka geystay gudaha Masjid ku yaalla Gaalkacyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---