Booliska Kenya ayaa ku dhawaaqay baadi goobka Taliye sare iyo afar kale oo la tilmaamay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin kuwaasoo lagu eedeeyay inay dhowr weerar ka geysteen gobolka waqooyi bari ee Kenya.
Laamaha amniga ayaa dadkan duldhigay lacag dhan oo gaareysa 20,000 oo dollarka Mareykanka midkiiba, taasoo la siinayo cidii keenta cidii macluumaad horseedi kara in lasoo xiro shaqsiyaadkaas
Dadkan ayaa lagu eedeeyey iney maleegayaan weeraro ka dhaca gudaha Kenya, iyadoo ciidamada amaanku sheegeen iney warkaas ka heleen ilo dhinaca sirdoonka ah.
Magacyada iyo sawirada kooxdan la doon doonayo ayaa waxay kala yihiin sarkaalka kooxdaasi hogaaminaya oo magaciisa lagu sheegay Issack Alio Mohammed oo ah muwaadin Kenyan ah oo ku taqasusay qaraxyada, Abdiwahab Osman, Hareth Hillow, Kusow Yarrow iyo Mumina Erobe.
Shacabka Kenya ayaa laga dalbaday inay laamaha amniga u soo gudbiyaan macluumaadka kooxdan u abaabulan qaraxyo ay ka gaystaan magaalooyin ay ka mid tahay caasimada dalkaas magaalada Nairobi.
Kenya ayaa ka feejigan Al-Shabaab oo horey dalkaas uga geystay weeraro qaarkood lagu hoobtay, iyadoo kooxdan ay ku hanjabtay iney weeraro kale ka geysan doonto gudaha dalkaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com