Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyihii Saldhiga booliiska Dayniile oo shaqada laga fadhiisiyay iyo Sababta keentay

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa shaqo joojin ku sameeyay taliyihii ciidanka booliiska saldhiga degmada Dayniile Macalin Faarax, kadib markii lagu eedeeyay in uu wax ka qaban waayay madaafiic la sheegay in degmadaasi laga soo tuuray.

Sida aan Wararka ku helnay taliska ciidanka booliiska ayaa sheegay in Madaafiic dhoor maalin kahor lagu weeraray xarunta Madaxtooyada  in laga soo tuuray Dayniile gaar ahaan xaafad aan wax badan ka fogeyn halka uu kuyaalo saldhiga booliiska Dayniile .

Taliyaha ayaa la sheegay in uu beeniyay in Madaafiicda laga soo tuuray degmada Dayniile sidaasna shaqada looga joojiyay, waxaana kusimaha Taliyaha booliiska saldhiga Dayniile laga dhigay sargaal kale oo katirsan booliiska oo lagu Magacaabo Xasan Cali.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa ku guul dareestay in ay soo qabtaan ama ka hortagaan dadkii ka dambeeyay madaafiic maalmo kahor ku dhacday gudaha Madaxtooyada iyo xarumo kale oo ku dhaw.

Magaalada Muqdisho waxaa ka howlgala ciidamo badan oo booliis ah, hadana waxaa magaalada si joogta ah uga dhaca qaraxyo iyo dilal qorsheesan ay geesanayaan kooxo biskoolado ku hubeesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo Xayiraad dhanka Fiisaha Transit-ka ku soo rogtay 10 dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay

Cabdi Cade

Raisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo laga helay caabuqa Coronavirus

Caydiid Ali

Shir u dhexeeya Madaxda Shanta dowlad goboleed oo caawa ka furmay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---