Allbanaadir.com
NEWS

Doorashada Kursi ka banaan Baarlamaanka oo ka socotay Muqdisho oo Foodo kusoo dhamaatay

Doorashada kursi ka banaan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la filayay in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho ayaa kusoo dhamaatay foodo iyo buuq ay sameeyeen ergadii wax dooran laheyd.

Kursigan ka banaan aqalka hoose waxaa iska lahaa  Beesha Samaroon (Gadabuursi) oo kamid ah beelaha dega Somaliland, waxaana kursigan horey uga geeriyooday Saciid Xasan Geeddi.

Doorashada Kursigan oo lagu waday in ay ka dhacdo Hotel kuyaala magaalada Muqdisho waxaa ku tartamayay labo Musharax oo kala ah Faatax Saciid Xasan Geeddi oo aabihii uu kursigan ka geeriyooday iyo Musharax C/raxmaan Axmed Ceynaan.

Ergadii lagu waday in ay doortaan Xildhibaanka beeshooda ku matali lahaa Aqalka hoose ayaa waxaa dhax maray foodo iyo buuq sabab u noqday in ay baaqato doorashada maanta lagu waday in ay dhacdo.

Sida aan wararka ku helnay 20-ergo oo taageersanaa mid kamid ah labada Musharax ee doorashada ku tartamayay ayaa isaga baxay hoolka doorashada, waxa ayna arintaas sabab u noqotay in doorashada dib loo dhigo maadaama uusan kooramka buuxin.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa shaacisay in doorashada kursiga Beesha Samaroon dib loo dhigay ayna soo sheegi doonaan xiliga la qaban doono.

Dhawaan ayaa magaalooyinka Jowhar iyo Kismaayo waxaa lagu soo doortay labo Xildhibaan oo kamid noqonaya aqalka hoose ee Baarlamaanka, waxaana la filayaa in dhawaan la buuxiyo kuraasta kale ee ka banaan Baarlamaanka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Shaaciyay tirada dadka ku dhintay Fatahaada Gedo iyo dadka barakacay

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Waare & safiirka Qadar ee Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Marwo Azizah Wan Ismail (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---