Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Saameynta uu reebay qaraxyadii xalay gil gilay Muqdisho

Qaraxyo xoogan ayaa gil gilay xalay magaalada Muqdisho, qaraxyadan waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo ciidamo katirsan dowlada.

Labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa siyaabo kala duwan loogu qarxiyay afaafka hore ee Hotelka Doorbin oo kuyaala KM-0 , halka qaraxa labaad uu ka dhacay meel ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxyadan iyo iska hor imaad dhinac socday waxaa ku dhintay dad ka badan 30-qof oo u badnaa dad shacab ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo badan oo hada lagu daweenayo xarumaha caafimaadka.

Khasaaraha dhimasho ka sokow qaraxyadan waxaa sidoo kale ka dhashay bur bur xoogan oo soo gaaray goobihii ay ka dhaceen, waxaana aaga ay qaraxyadan ka dhaceen laga dareemayaan xaalad murugo leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay magaalada Baladweyn iyo Howlgalo socda

Cabdi Cade

Madaxweyne Biden oo hanjabaad iyo Digniin isla socota u diray Madaxweynaha Ruushka

Cabdi Cade

Zahra Naaleeye: “Soomaaliya 30-kii sano ee u dambeeyay waa yaraaday gudniinkii gabdhaha”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---