Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne C/Casiis Butafliiqa oo ku dhawaaqay go’aan shacabka dalkiisa ku farxeen

Madaxweeynaha Dalka Algeria Cabdicasiis Butafliiqa ayaa tanaasulay inuu tartamo Doorashada dalkaas markii 5aad, kadib markii dalkaasi ay gil gileen banaan baxyo looga soo horjeedo in mar kale uu tartamo.

Go’aankan cusub ee Madaxweyne Butafliiqa ayaa yimid kadib markii uu shalay kusoo laabtay dalka Algeria uu arimo caafimaad uga maqnaa ,waxaana Madaxweynaha mudooyinkii ugu dambeeyay hayay xanuun u diiday in uu dalkiisa ku sugnaado.

Madaxweyne Butafliiqa tanaasulkiisa ayaa kusoo aaday xili Shacabka dalkaasi sii kordhiyeen banaan baxyada ay uga soo horjeedaan in Madaxweynaha bukaanka ah uu mar kale talada dalkaasi qabto.

Doorashada Madaxweynaha dalka Algeria ayaa horey loo qorsheeyay in ay dhacdo 18-ka Bisha Apriil ee Sanadkaan 2019, waxaana suurto gal ah in dib u dhac kooban ku yimaado xiliga la qabanayo doorashada.

Shacabka dalka Algeria ayaa ku farxay go’aanka kasoo baxay Madaxweyne Cabdicasiis oo hada ah bukaan gaariga curyaanka lagu wado, waxaana la ogeyn in go’aankan cusub ee Madaxweynaha uu joojin karo banaan baxyada socda.

Madaxweynaha Dalka France Emmanuel Macron iyo madax kale ayaa soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha dalka Algeria uga haray doorashada la filayo in dhawaan dalkaasi ka dhacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

Related posts

Amiin Quran Online, oo fursad qaaliya u haya qurbajoogta soomaaliyeed iyo caruurtooda

Cabdi Cade

Magacyada iyo Sawirada Muslimiintii lagu laayay dalka New Zealand oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo arrin Muhiim ah kala hadlay James Swan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---