Allbanaadir.com
NEWS

Meydad hor leh oo saakay laga helay agagaarka xarunta Madaxtooyada Somalia

Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya xalay waxaa ka dhacay qaraxyo iyo weeraro toos ah ay fuliyeen dagaalyahano katirsanaa Al Shabaab oo soo xirtay dareeska Ciidanka booliiska Soomaaliya.

Iska hor imaad saacado qaatay ayaa xalay ka dhacay inta u dhaxeysa albaabka laga galo Madaxtooyada iyo Taalada Dhagax tuur, waxaana markii dambe ciidamada dowlada ku guuleesteen in ay dilaan ragii Shabaabka katirsanaa ee weerarka soo qaaday.

Meydadka dad shacab ah oo ku dhintay iska hor imaadkii ka dhacay agagaarka Madaxtooyada ayaa saakay halkaasi laga qaaday, waxaana meydadka dadka la qaaday ku jira haween halkaasi jaad ku iibinayay.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in dad shacab ah oo laamiga xiligaasi ku lugeenayay in ay waxyeelo kasoo gaartay iska hor imaadkii xalay halkaasi ka dhacay ee dhaxeeyay ciidanka dowlada iyo kuwa Al Shabaab.

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa xalay ku adkaatay in aagaasi galaan kana soo qaadaan dadka ku dhaawacmay iska hor imaadka u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo dableydii hubeesneyd.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa saakay ah mid aad u dagan, dadka ayaana aad u hadal haya weeraradii xakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo waliba khaaaaarihii xoogana aee ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hal magaalo oo caabuqa Caronavirus dadka uu ku dhacay ka badan yihiin dadka uu…

Cabdi Cade

DF oo laga dalbaday iney wax ka qabato hay’adaha ajnabiga ah ee ku lug leh..

Caydiid Ali

Ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah oo gaaray Gedo lana wareegay Garoonka Diyaaradaha …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---