Hogaamiyihii hore ee Kooxda Daalibaan Mullah Maxamed Cumar ayaa la ogaaday in mudo badan uu kunoolaa meel ku dhaw saldhig ay ciidamada Milatariga Mareykanka ku leeyihiin dalka Afgaanistaan.
Buug cusub oo laga qoray taariikhda hogaamiyihii Daalibaan Mullah Cumar ayaa lagu sheegay in Mullah ku noolaa meel saddex mile un u jirta saldhigga ciidamada Mareykanka ee gobolka Zabul, halkaasi oo uu ku dhintay sanadii 2013.
Mullah Cumar ayaa la sheegay in sida wadaad Suufi ah oo kale ugu noolaa meel aan ka fogeyn saldhiga Ciidamada Mareykanka, waxaana la sheegay in Mullah diidi jiray in lasoo booqdo si aan looga shakin.
Wariye u dhashay dalka Holland oo lagu magacaabo Bette Dam ayaa ka qoray nolosha Mullah Cumar buug uu ugu magac daray “Raadinta Cadowga”, waxa uuna Wariyaha wareestay Jabbari Omari oo ah ilaaliyihii shaqsiga ee Mullah Cumar.
Hogaamiyihii Daalibaan oo ahaa nin aan muuqaalkiisa aan la aqoon ayaa sanado badan ku noolaa dhisme ku yaalla magaalada Qalat ee gobolka Zabul, isaga oo marti u ahaa qoys halkaas degan, balse aan aqoon cidda uu ahaa.
Ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa Saldhiga Milatari ee gobolka Zabul ayaa la sheegay in laba mar ay baaritaan ku sameeyeen xaafadda uu deganaa hase yeeshee aysan u suurta-gelin inay gacanta ku dhigaan.
Buugaan ayaa shaaca la qaaday fashilka heestay Sirdoonka Mareykanka iyo kan Afgaanistan oo ku fashilmay in Mullah qabtaan ama dilaan, waxaana Hogaamiyaasha Mareykanka iyo Afgaanistan rumeesnaayeen in Mullah uu kunoolaa dalka Pakistan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com