Ku-simihii Taliyaha Booliska ee AMISOM ee Soomaaliya Christine Alalo ayaa la xaqiijiyay in ku geeriyootay Diyaaradii Ethiopian Airlines ee shalay ku burburtay duleedka Magaalada Addis ababa
Mss Alalo ayaa waxay u dhalatay dalka Uganda waxayna ku sii jeeday marka uu shilka dhacayay dalka Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan AMISOM.
Rakaabka saarna diyaarada ayaa waxaa ay tiradoodi aheyd 149 rakaab ah iyo 8 qof oo shaqaale ah kuwaasoo dhamaantood ku dhintay shilkaas.
Diyaarada ayaa burburtey kadib markii ay garoonka Addis Ababa ka soo dushay hawda-na ay ku jirtay muddo 6 daqiiqo ah waxaana ay ku dhacday meel 45 Km u jirta magaalada Addis Ababa, waxaana haatan socda baaritaan ku saabsan sababta keentay shilkan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com